Add parallel Print Page Options

17 Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday,
Oo qabrigu waa ii diyaar.
Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo,
Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda.
Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo;
Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya?
Waayo, qalbigooda waxgarashadii waad ka qarisay,
Oo sidaas daraaddeed iyaga ma aad sarraysiin doontid.
Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan,
Carruurtiisu way indha beeli doonaan.
Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan,
Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.
Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin,
Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.
Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan,
Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.
Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa,
Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.
10 Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya,
Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.
11 Cimrigaygii waa dhammaaday,
Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.
12 Habeenka waxay u beddelaan maalin,
Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.
13 Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale,
Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado,
14 Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay,
Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay,
15 Bal markaas meeday rajadaydu?
Oo bal yaase rajadayda arki doona?
16 Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool,
Markaannu ciidda wada galno.

17 My spirit(A) is broken,
    my days are cut short,(B)
    the grave awaits me.(C)
Surely mockers(D) surround me;(E)
    my eyes must dwell on their hostility.

“Give me, O God, the pledge you demand.(F)
    Who else will put up security(G) for me?(H)
You have closed their minds to understanding;(I)
    therefore you will not let them triumph.
If anyone denounces their friends for reward,(J)
    the eyes of their children will fail.(K)

“God has made me a byword(L) to everyone,(M)
    a man in whose face people spit.(N)
My eyes have grown dim with grief;(O)
    my whole frame is but a shadow.(P)
The upright are appalled at this;
    the innocent are aroused(Q) against the ungodly.
Nevertheless, the righteous(R) will hold to their ways,
    and those with clean hands(S) will grow stronger.(T)

10 “But come on, all of you, try again!
    I will not find a wise man among you.(U)
11 My days have passed,(V) my plans are shattered.
    Yet the desires of my heart(W)
12 turn night into day;(X)
    in the face of the darkness light is near.(Y)
13 If the only home I hope for is the grave,(Z)
    if I spread out my bed(AA) in the realm of darkness,(AB)
14 if I say to corruption,(AC) ‘You are my father,’
    and to the worm,(AD) ‘My mother’ or ‘My sister,’
15 where then is my hope—(AE)
    who can see any hope for me?(AF)
16 Will it go down to the gates of death?(AG)
    Will we descend together into the dust?”(AH)