Add parallel Print Page Options

14 Ninkii naagu dhashaba
Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.
Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa,
Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.
Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa?
Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?
Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara?
Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya,
Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.
Bal ha nastee isaga ka sii jeeso,
Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.
Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo,
Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.
In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo,
Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,
Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa,
Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.
10 Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba'aa,
Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu?
11 Biyuhu badda way ka dhammaadaan,
Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa,
12 Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco,
Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan,
Oo hurdadoodana kama kici doonaan.
13 Hahe bal maad She'ool igu qarisid,
Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto,
Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!
14 Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa?
Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa
Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.
15 Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa;
Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.
16 Laakiinse haatan waad tirisaa tallaabooyinkayga,
Balse miyaadan dembigayga isha ku hayn?
17 Xadgudubkaygii kolay baa lagu xidhay,
Oo xumaantaydiina meel baad ku dhuujisay.
18 Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa,
Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.
19 Biyuhu dhagaxyaday lisaan,
Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka,
Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.
20 Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa,
Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.
21 Wiilashiisa waa la sharfaa, laakiinse isagu waxba kama oga;
Oo haddana hoos baa loo ridaa, laakiinse isagu waxba kama garto iyaga.
22 Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa,
Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.