Add parallel Print Page Options

Ayuub

21 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Maqla oo warkayga aad u dhegaysta,
Oo tanuna ha noqoto wixii aad igu qalbiqabowjisaan.
Bal mar ii oggolaada aan hadlee,
Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.
Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa?
Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?
Bal i eega, oo yaaba,
Oo afkiinna gacanta saara.
Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa,
Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.
Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan?
Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?
Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa,
Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.
Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen,
Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.
10 Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan,
Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan.
11 Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale,
Oo carruurtooduna way cayaaraan.
12 Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad,
Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.
13 Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo,
Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan.
14 Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag,
Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga.
15 Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno?
Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
16 Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto,
Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay.
17 Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa?
Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa?
Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa?
18 Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya,
Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?
19 Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa.
Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.
20 Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa,
Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.
21 Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo,
Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?
22 Bal ma Ilaah baa wax la baraa?
Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare.
23 Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay,
Oo istareexsan oo xasilloon,
24 Oo aad u buuran,
Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay.
25 Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh,
Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.
26 Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan,
Oo dirxi baa korkooda daboola.
27 Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna,
Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan.
28 Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku?
Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?
29 Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara?
Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda?
30 Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada?
Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?
31 Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona?
Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?
32 Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha,
Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.
33 Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada,
Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan,
Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen.
34 Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan,
Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?