Add parallel Print Page Options

Yacquub Oo Ka Cararaya Laabaan

31 Wuxuu maqlay hadalkii Laabaan wiilashiisii, iyagoo leh, Yacquub baa wixii aabbeheen oo dhan wada qaatay, oo xoolahan oo dhan wuxuu ku helay wixii aabbeheen. Yacquubna wuxuu fiiriyey wejigii Laabaan, oo wuxuu arkay inuusan sidii hore u ahayn. Rabbiguna wuxuu Yacquub ku yidhi, Ku noqo dalkii aabbahaa iyo xigaalkaaga, oo anna waan kula jiri doonaa. Yacquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan arkay wejigii aabbihiin inuusan sidii hore ii ahayn, laakiinse Ilaaha aabbahay baa ila jiray. Idinkuna waad og tihiin inaan aabbihiin xooggayga oo dhan ugu adeegay. Laakiin aabbihiin wuu i khiyaaneeyey, oo toban goor buu mushahaaradaydii beddelay; Ilaahse uma oggolaan inuu wax i yeelo. Hadduu yidhi, Kuwa dhibicyada lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax dhibicyo leh bay dhaleen; hadduu yidhina, Kuwa xariijimaha lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax xariijimo leh bay dhaleen. Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey. 10 Wakhtigii adhigii rimay ayaan indhahayga kor u taagay, oo aan riyo ku arkay orgidii adhiga ku boodday inay wada lahaayeen xariijimo, iyo dhibicyo iyo barbaro. 11 Malaa'igtii Ilaahna waxay igu tidhi intaan riyoonayay, Yacquubow. Oo anna waxaan idhi, Waa i kan. 12 Oo waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan. 13 Waxaan ahay Ilaaha Beytel, meeshii aad tiirka ku subagtay, oo aad nidarka iigu nidartay. Haddaba kac, oo dalkan ka bax, oo ku noqo dalkii aad ku dhalatay. 14 Markaasay Raaxeel iyo Lee'ah u jawaabeen isagii oo ku yidhaahdeen, Weli ma qayb baa guriga aabbahayo noogu hadhay amase dhaxal? 15 Miyaannan xaggiisa ka xisaabnayn shisheeye? Waayo, wuu na iibiyey, oo weliba lacagtayadiina wuu cunay. 16 Waayo, kulli maalkii Ilaah ka qaaday aabbahayo waxaa leh annaga iyo carruurtayada; haddaba yeel wixii Ilaah kugu yidhi. 17 Markaasuu Yacquub kacay, carruurtiisii iyo naagihiisiina wuxuu fuushiiyey awrtii; 18 wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan. 19 Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa. 20 Markaasaa Yacquub si qarsoon uga tegey Laabaankii reer Suuriya oo aan ogayn, umana uu sheegin inuu cararayo. 21 Oo sidaasuu ula cararay wixii uu haystay oo dhan, oo intuu kacay, ayuu webigii ka gudbay, oo wejigiisii ku toosiyey buurtii Gilecaad.

Laabaan Oo Raacdaynaya Yacquub

22 Maalintii saddexaad baa Laabaan loo sheegay in Yacquub cararay. 23 Markaasuu walaalihiis kaxaystay, oo wuxuu raacdaynayay toddoba maalinsocod, wuxuuna ku gaadhay buurtii Gilecaad. 24 Markaasaa Ilaah riyo habeennimo ugu yimid Laabaankii reer Suuriya, oo ku yidhi, Iska jir oo Yacquub xumaan iyo wanaag toona ha kula hadlin. 25 Laabaanna wuu soo gaadhay Yacquub. Haddaba Yacquub teendhadiisii wuxuu ka dhistay buurta; Laabaanna walaalihiis buu kala dhistay buurtii Gilecaad. 26 Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay, oo maxaad si qarsoon iiga soo tagtay anoo aan ogayn, oo aad gabdhahayga ula soo carartay sidii iyagoo ah maxaabiis seef lagu soo dhacay? 27 Maxaad qarsoodiga ugu soo carartay, oo aad si qarsoon iiga soo tagtay? Oo maxaad iigu sheegi weyday, si aan kuugu soo ambabbixiyo rayrayn iyo gabayo iyo daf iyo kataarad? 28 Oo maxaad iigu oggolaan weyday inaan dhunkado wiilashayda iyo gabdhahayga? De taas nacasnimaad u yeeshay. 29 De xoog aan wax kugu yeelo waan leeyahay, laakiinse Ilaaha aabbahaa baa xalay ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Iska jir oo Yacquub ha kula hadlin xumaan iyo wanaag toona. 30 Oo haatan waad tagtay, maxaa yeelay, aad baad ugu hilowday gurigii aabbahaa, laakiinse maxaad ilaahyadayda iiga soo xadday? 31 Yacquubna waa u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Maxaa yeelay, waan cabsaday; waayo, waxaan is-idhi, Wuu kaa xoogi doonaa gabdhihiisa. 32 Qofkii aad ilaahyadaadii ka hesho waa inuusan noolaan. Walaalahayo hortooda ku fiiri wixii aan kaa haysto, oo iska qaado. Waayo, Yacquub ma uu ogayn inay Raaxeel soo xadday. 33 Laabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel. 34 Raaxeelna way qaadday sanamyadii, oo waxay gelisay heeryadii awrta, wayna ku fadhiisatay. Laabaanna wuu ka wada baadhay teendhadii oo dhan, mana uu helin. 35 Oo waxay aabbeheed ku tidhi, Sayidkaygiiyow, ha u cadhoon inaanan istaagi karin, waayo, caadadii dumarku heli jiray baan qabaa. Isna wuu baadhay, laakiinse sanamyadii ma uu helin. 36 Yacquubna wuu cadhooday, oo Laabaan wuu la murmay; Yacquubna wuu u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay xadgudubkaygu? Waa maxay dembigayga aad aawadiis aad iigu soo raacdaysatay? 37 Waxaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan. 38 Labaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin. 39 Kuwii dugaagu ka cunayna kuuma aan keenin; laakiinse anaa kuu magdhabay, anaad i weyddiisan jirtay, ha ahaadeen wixii maalin lagaa xado ama wixii habeen lagaa xado ee. 40 Maalintii kulayl baa i dili jiray, habeenkiina dhaxan; hurdadiina waa iga tagtay. Oo sidaasaan ahaan jiray. 41 Labaatan sannadood baan gurigaaga joogay; afar iyo toban sannadood waxaan kuugu shaqeeyey labadaada gabdhood aawadood, lix sannadoodna adhigaaga aawadiis. Mushahaaradaydiina waxaad beddeshay toban goor. 42 Ilaaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay. 43 Laabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen? 44 Haddaba kaalay, aan aniga iyo adigu axdi dhigannee, hana noqdo markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga. 45 Markaasaa Yacquub dhagax soo qaaday, oo sidii tiir u qotomiyey. 46 Yacquubna wuxuu walaalihiis ku yidhi, Dhagaxyo soo ururiya; kolkaasay dhagaxyo soo gureen, oo meel taalleeyeen; kolkaasay taallada agteedii wax ku cuneen. 47 Laabaanna wuxuu meeshaas u bixiyey Yegar Sahaduta; Yacquubse wuxuu u bixiyey Galceed. 48 Laabaanna wuxuu yidhi, Maanta taalladanu waa markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga. Sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Galceed, iyo Misfaah, 49 waayo, wuxuu yidhi, Rabbigu ha dhawro aniga iyo adiga dhexdeenna markaynu kala maqan nahay. 50 Haddaad gabdhahayga dhibtid, ama aad naago kale gabdhahayga la guursatid, ninna inalama joogo, balse ogow, Ilaah baa markhaati dhexdeenna ka ah aniga iyo adiga. 51 Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Bal eeg taalladan, oo bal fiiri tiirka aan ina dhex dhigay aniga iyo adiga. 52 Taalladanu markaati ha ka noqoto, tiirkuna markhaati ha ka noqdo, inaanan taalladan kuugu soo dhaafayn inaan wax ku yeelo, adna aadan taalladan iyo tiirkan iigu soo dhaafayn inaad wax i yeeshid. 53 Kan ah Ilaaha Ibraahim, iyo Ilaaha Naaxoor, iyo Ilaaha aabbahood, ha ina kala xukumo innaga. Yacquubna wuxuu ku dhaartay Kan aabbihiis Isxaaq ka cabsado. 54 Yacquubna allabari buu buurtii ku bixiyey, walaalihiisna wuxuu ugu yeedhay inay wax cunaan; cuntadiina way cuneen, habeenkii oo dhanna buurtay joogeen. 55 Laabaanna aroor hore ayuu kacay, wiilashiisii iyo gabdhihiisiina wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; markaasuu Laabaan tegey, oo ku noqday meeshiisii.

Jacob Flees From Laban

31 Jacob heard that Laban’s sons(A) were saying, “Jacob has taken everything our father owned and has gained all this wealth from what belonged to our father.”(B) And Jacob noticed that Laban’s attitude toward him was not what it had been.(C)

Then the Lord said to Jacob, “Go back(D) to the land of your fathers and to your relatives, and I will be with you.”(E)

So Jacob sent word to Rachel and Leah to come out to the fields where his flocks were. He said to them, “I see that your father’s(F) attitude toward me is not what it was before,(G) but the God of my father has been with me.(H) You know that I’ve worked for your father with all my strength,(I) yet your father has cheated(J) me by changing my wages(K) ten times.(L) However, God has not allowed him to harm me.(M) If he said, ‘The speckled ones will be your wages,’ then all the flocks gave birth to speckled young; and if he said, ‘The streaked ones will be your wages,’(N) then all the flocks bore streaked young. So God has taken away your father’s livestock(O) and has given them to me.(P)

10 “In breeding season I once had a dream(Q) in which I looked up and saw that the male goats mating with the flock were streaked, speckled or spotted. 11 The angel of God(R) said to me in the dream,(S) ‘Jacob.’ I answered, ‘Here I am.’(T) 12 And he said, ‘Look up and see that all the male goats mating with the flock are streaked, speckled or spotted,(U) for I have seen all that Laban has been doing to you.(V) 13 I am the God of Bethel,(W) where you anointed a pillar(X) and where you made a vow(Y) to me. Now leave this land at once and go back to your native land.(Z)’”

14 Then Rachel and Leah replied, “Do we still have any share(AA) in the inheritance of our father’s estate? 15 Does he not regard us as foreigners?(AB) Not only has he sold us, but he has used up what was paid for us.(AC) 16 Surely all the wealth that God took away from our father belongs to us and our children.(AD) So do whatever God has told you.”

17 Then Jacob put his children and his wives(AE) on camels,(AF) 18 and he drove all his livestock ahead of him, along with all the goods he had accumulated(AG) in Paddan Aram,[a](AH) to go to his father Isaac(AI) in the land of Canaan.(AJ)

19 When Laban had gone to shear his sheep,(AK) Rachel stole her father’s household gods.(AL) 20 Moreover, Jacob deceived(AM) Laban the Aramean(AN) by not telling him he was running away.(AO) 21 So he fled(AP) with all he had, crossed the Euphrates River,(AQ) and headed for the hill country of Gilead.(AR)

Laban Pursues Jacob

22 On the third day(AS) Laban was told that Jacob had fled.(AT) 23 Taking his relatives(AU) with him(AV), he pursued Jacob for seven days and caught up with him in the hill country of Gilead.(AW) 24 Then God came to Laban the Aramean(AX) in a dream at night and said to him,(AY) “Be careful not to say anything to Jacob, either good or bad.”(AZ)

25 Jacob had pitched his tent in the hill country of Gilead(BA) when Laban overtook him, and Laban and his relatives camped there too. 26 Then Laban said to Jacob, “What have you done?(BB) You’ve deceived me,(BC) and you’ve carried off my daughters like captives in war.(BD) 27 Why did you run off secretly and deceive me? Why didn’t you tell me,(BE) so I could send you away with joy and singing to the music of timbrels(BF) and harps?(BG) 28 You didn’t even let me kiss my grandchildren and my daughters goodbye.(BH) You have done a foolish thing. 29 I have the power to harm you;(BI) but last night the God of your father(BJ) said to me, ‘Be careful not to say anything to Jacob, either good or bad.’(BK) 30 Now you have gone off because you longed to return to your father’s household.(BL) But why did you steal(BM) my gods?(BN)

31 Jacob answered Laban, “I was afraid, because I thought you would take your daughters away from me by force.(BO) 32 But if you find anyone who has your gods, that person shall not live.(BP) In the presence of our relatives, see for yourself whether there is anything of yours here with me; and if so, take it.” Now Jacob did not know that Rachel had stolen the gods.(BQ)

33 So Laban went into Jacob’s tent and into Leah’s tent(BR) and into the tent of the two female servants,(BS) but he found nothing.(BT) After he came out of Leah’s tent, he entered Rachel’s tent. 34 Now Rachel had taken the household gods(BU) and put them inside her camel’s saddle(BV) and was sitting on them. Laban searched(BW) through everything in the tent but found nothing.

35 Rachel said to her father, “Don’t be angry, my lord, that I cannot stand up in your presence;(BX) I’m having my period.(BY)” So he searched but could not find the household gods.(BZ)

36 Jacob was angry and took Laban to task. “What is my crime?” he asked Laban. “How have I wronged(CA) you that you hunt me down?(CB) 37 Now that you have searched through all my goods, what have you found that belongs to your household?(CC) Put it here in front of your relatives(CD) and mine, and let them judge between the two of us.(CE)

38 “I have been with you for twenty years now.(CF) Your sheep and goats have not miscarried,(CG) nor have I eaten rams from your flocks. 39 I did not bring you animals torn by wild beasts; I bore the loss myself. And you demanded payment from me for whatever was stolen(CH) by day or night.(CI) 40 This was my situation: The heat consumed me in the daytime and the cold at night, and sleep fled from my eyes.(CJ) 41 It was like this for the twenty years(CK) I was in your household. I worked for you fourteen years for your two daughters(CL) and six years for your flocks,(CM) and you changed my wages(CN) ten times.(CO) 42 If the God of my father,(CP) the God of Abraham(CQ) and the Fear of Isaac,(CR) had not been with me,(CS) you would surely have sent me away empty-handed. But God has seen my hardship and the toil of my hands,(CT) and last night he rebuked you.(CU)

43 Laban answered Jacob, “The women are my daughters, the children are my children, and the flocks are my flocks.(CV) All you see is mine. Yet what can I do today about these daughters of mine, or about the children they have borne? 44 Come now, let’s make a covenant,(CW) you and I, and let it serve as a witness between us.”(CX)

45 So Jacob took a stone and set it up as a pillar.(CY) 46 He said to his relatives, “Gather some stones.” So they took stones and piled them in a heap,(CZ) and they ate there by the heap. 47 Laban called it Jegar Sahadutha, and Jacob called it Galeed.[b](DA)

48 Laban said, “This heap(DB) is a witness between you and me today.”(DC) That is why it was called Galeed. 49 It was also called Mizpah,[c](DD) because he said, “May the Lord keep watch between you and me when we are away from each other. 50 If you mistreat(DE) my daughters or if you take any wives besides my daughters, even though no one is with us, remember that God is a witness(DF) between you and me.”(DG)

51 Laban also said to Jacob, “Here is this heap,(DH) and here is this pillar(DI) I have set up between you and me. 52 This heap is a witness, and this pillar is a witness,(DJ) that I will not go past this heap to your side to harm you and that you will not go past this heap(DK) and pillar to my side to harm me.(DL) 53 May the God of Abraham(DM) and the God of Nahor,(DN) the God of their father, judge between us.”(DO)

So Jacob took an oath(DP) in the name of the Fear of his father Isaac.(DQ) 54 He offered a sacrifice(DR) there in the hill country and invited his relatives to a meal.(DS) After they had eaten, they spent the night there.

55 Early the next morning Laban kissed his grandchildren and his daughters(DT) and blessed(DU) them. Then he left and returned home.[d](DV)

Footnotes

  1. Genesis 31:18 That is, Northwest Mesopotamia
  2. Genesis 31:47 The Aramaic Jegar Sahadutha and the Hebrew Galeed both mean witness heap.
  3. Genesis 31:49 Mizpah means watchtower.
  4. Genesis 31:55 In Hebrew texts this verse (31:55) is numbered 32:1.