Add parallel Print Page Options

Wakhtiga Ugu Dambeeya

12 Oo wakhtigaas waxaa kici doona Mikaa'iil oo ah amiirka weyn oo dadkaaga u kici doona, oo waxaa jiri doona wakhti dhib badan, oo aan isagoo kale weli la arag intii quruunu jirtay ilaa waagaas, oo wakhtigaas dadkaaga waa la samatabbixin doonaa, mid kasta oo laga helo isagoo ku qoran kitaabka. Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah. Oo kuwa xigmadda lahu waxay u dhalaali doonaan sida nuurka samada; kuwii kuwo badan xaqnimada u soo jeediyaana sida xiddigaha weligood iyo weligood. Laakiinse adigu Daanyeelow, erayada xidh, kitaabkana shaabadee, ilaa wakhtiga ugu dambaysta. Kuwo badan baa hore iyo dib u roori doona, aqoontuna waa kordhi doontaa.

Markaasaan anigoo Daanyeel ah wax fiiriyey, oo bal eeg, waxaan arkay laba kale oo taagtaagan, mid wuxuu taagnaa webiga qarkiisa soke, kan kalena wuxuu taagnaa webiga qarkiisa shishe. Oo mid baa ku yidhi ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, Ilaa goormuu ahaan doonaa dhammaadka yaababkanu? Oo waxaan maqlay ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, markuu gacantiisii midig iyo gacantiisii bidix samada u taagay oo ku dhaartay kan weligiis nool inay noqon doonto wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis; oo markay dhammeeyaan jejebinta xoogga dadka quduuska ah ayaa waxyaalahan oo dhammu dhammaan doonaan. Oo anigu waan maqlay, mase garanin, markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waxyaalahan dhammaadkoodu muxuu ahaan doonaa? Markaasuu wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, iska tag, waayo, erayadii waa la xidhay oo la shaabadeeyey ilaa wakhtiga ugu dambaysta. 10 Qaar badan baa isdaahirin doona, oo iscaddayn doona, waana la tijaabin doonaa; laakiinse kuwa sharka ahu sharnimay samayn doonaan; oo inta sharka ah midkoodna wax ma garan doono, laakiinse kuwa xigmadda leh ayaa wax garan doona. 11 Oo wakhtiga qurbaanka joogtada ah la qaadi doono, ilaa la taagi doono waxa baas oo wax baabbi'iya, waxaa jiri doona kun iyo laba boqol iyo sagaashan maalmood. 12 Waxaa barakaysan ka suga ee gaadha kunka iyo saddexda boqol iyo shan iyo soddonka maalmood. 13 Laakiinse iska tag ilaa wakhtiga ugu dambaystu ahaado, waayo, waad nasan doontaa, maalmaha dabaadigoodana qaybtaadaad isu taagi doontaa.

The End Times

12 “At that time Michael,(A) the great prince who protects your people, will arise. There will be a time of distress(B) such as has not happened from the beginning of nations until then. But at that time your people—everyone whose name is found written in the book(C)—will be delivered.(D) Multitudes who sleep in the dust of the earth will awake:(E) some to everlasting life, others to shame and everlasting contempt.(F) Those who are wise[a](G) will shine(H) like the brightness of the heavens, and those who lead many to righteousness,(I) like the stars for ever and ever.(J) But you, Daniel, roll up and seal(K) the words of the scroll until the time of the end.(L) Many will go here and there(M) to increase knowledge.”

Then I, Daniel, looked, and there before me stood two others, one on this bank of the river and one on the opposite bank.(N) One of them said to the man clothed in linen,(O) who was above the waters of the river, “How long will it be before these astonishing things are fulfilled?”(P)

The man clothed in linen, who was above the waters of the river, lifted his right hand(Q) and his left hand toward heaven, and I heard him swear by him who lives forever,(R) saying, “It will be for a time, times and half a time.[b](S) When the power of the holy people(T) has been finally broken, all these things will be completed.(U)

I heard, but I did not understand. So I asked, “My lord, what will the outcome of all this be?”

He replied, “Go your way, Daniel, because the words are rolled up and sealed(V) until the time of the end.(W) 10 Many will be purified, made spotless and refined,(X) but the wicked will continue to be wicked.(Y) None of the wicked will understand, but those who are wise will understand.(Z)

11 “From the time that the daily sacrifice(AA) is abolished and the abomination that causes desolation(AB) is set up, there will be 1,290 days.(AC) 12 Blessed is the one who waits(AD) for and reaches the end of the 1,335 days.(AE)

13 “As for you, go your way till the end.(AF) You will rest,(AG) and then at the end of the days you will rise to receive your allotted inheritance.(AH)

Footnotes

  1. Daniel 12:3 Or who impart wisdom
  2. Daniel 12:7 Or a year, two years and half a year