Add parallel Print Page Options

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Baabuloon

13 Kanu waa warka culus ee Baabuloon ku saabsan oo uu Ishacyaah ina Aamoos arkay. Buurta dheer calan ka taaga, codkana iyaga kor ugu qaada, oo u gacanhaadiya inay irdaha kuwa gobta ah galaan. Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya. Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka. Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba. Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid. Haddaba sidaas daraaddeed gacmo oo dhammu way taag gabi doonaan, oo nin kastaba qalbigiisu wuu dhalaali doonaa. Wayna nixi doonaan, oo waxaa qaban doona xanuun iyo murug, oo waxay u xanuunsan doonaan sida naag foolanaysa. Oo midkoodba kan kaluu la yaabi doonaa, oo wejigooduna wuxuu noqon doonaa sida olol oo kale. Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo. 10 Waayo, xiddigaha samada iyo ururkooduba ma iftiimi doonaan. Qorraxduna way madoobaan doontaa markii ay soo baxdo, oo dayaxuna ma iftiimi doono. 11 Oo dunida sharkeeda aawadiis ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa sharka lehna xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa kibrana kibirkooda waan joojin doonaa, oo kuwa laga cabsadona madaxweynaantooda hoos baan u soo dejin doonaa. 12 Waxaan dadka ka dhigi doonaa wax dhif ah oo ka qaalisan dahabka wanaagsan, oo binu-aadmigana waxaan ka dhigi doonaa wax aan badnayn sida dahabka saafiga ah ee Oofir. 13 Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada. 14 Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa. 15 Mid kasta oo la helo waa la dooxi doonaa, oo mid kasta oo la qabto seef baa lagu dili doonaa. 16 Oo dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa iyagoo arkaya, guryahoodana waa la dhici doonaa, naagahoodana waa la kufsan doonaa. 17 Bal eega, waxaan iyaga ku soo kicin doonaa reer Maaday oo aan innaba lacag ka fikirayn oo aan dahabkana ku farxin. 18 Qaansooyinkoodu waxay baabbi'in doonaan barbaarrada, oo midhaha maxalkana innaba uma ay naxariisan doonaan, oo carruurtana uma ay tudhi doonaan. 19 Oo Baabuloon oo ah sharaftii boqortooyooyinka iyo quruxdii kibirka reer Kaldayiin waxay noqon doontaa sidii markii Ilaah Sodom iyo Gomora afgembiyey. 20 Oo weligeed innaba lama degi doono oo tan iyo ab ka ab laguma dhex hoyan doono, oo Carabkuna halkaas teendho kama dhisan doono, oo adhijirraduna halkaas adhigooda ma daajin doonaan. 21 Laakiinse halkaas waxaa jiifsan doona dugaagga lamadegaanka, oo guryahoodana waxaa ka buuxsami doona guumeyso, oo waxaa ku hoyan doona gorayo, waxaana ku dhex cayaari doona xayawaan dhogor dheer leh. 22 Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.

A Prophecy Against Babylon

13 A prophecy(A) against Babylon(B) that Isaiah son of Amoz(C) saw:(D)

Raise a banner(E) on a bare hilltop,
    shout to them;
beckon to them
    to enter the gates(F) of the nobles.
I have commanded those I prepared for battle;
    I have summoned my warriors(G) to carry out my wrath(H)
    those who rejoice(I) in my triumph.

Listen, a noise on the mountains,
    like that of a great multitude!(J)
Listen, an uproar(K) among the kingdoms,
    like nations massing together!
The Lord Almighty(L) is mustering(M)
    an army for war.
They come from faraway lands,
    from the ends of the heavens(N)
the Lord and the weapons(O) of his wrath(P)
    to destroy(Q) the whole country.

Wail,(R) for the day(S) of the Lord is near;
    it will come like destruction(T) from the Almighty.[a](U)
Because of this, all hands will go limp,(V)
    every heart will melt with fear.(W)
Terror(X) will seize them,
    pain and anguish will grip(Y) them;
    they will writhe like a woman in labor.(Z)
They will look aghast at each other,
    their faces aflame.(AA)

See, the day(AB) of the Lord is coming
    —a cruel(AC) day, with wrath(AD) and fierce anger(AE)
to make the land desolate
    and destroy the sinners within it.
10 The stars of heaven and their constellations
    will not show their light.(AF)
The rising sun(AG) will be darkened(AH)
    and the moon will not give its light.(AI)
11 I will punish(AJ) the world for its evil,
    the wicked(AK) for their sins.
I will put an end to the arrogance of the haughty(AL)
    and will humble(AM) the pride of the ruthless.(AN)
12 I will make people(AO) scarcer than pure gold,
    more rare than the gold of Ophir.(AP)
13 Therefore I will make the heavens tremble;(AQ)
    and the earth will shake(AR) from its place
at the wrath(AS) of the Lord Almighty,
    in the day of his burning anger.(AT)

14 Like a hunted(AU) gazelle,
    like sheep without a shepherd,(AV)
they will all return to their own people,
    they will flee(AW) to their native land.(AX)
15 Whoever is captured will be thrust through;
    all who are caught will fall(AY) by the sword.(AZ)
16 Their infants(BA) will be dashed to pieces before their eyes;
    their houses will be looted and their wives violated.(BB)

17 See, I will stir up(BC) against them the Medes,(BD)
    who do not care for silver
    and have no delight in gold.(BE)
18 Their bows(BF) will strike down the young men;(BG)
    they will have no mercy(BH) on infants,
    nor will they look with compassion on children.(BI)
19 Babylon,(BJ) the jewel of kingdoms,(BK)
    the pride and glory(BL) of the Babylonians,[b]
will be overthrown(BM) by God
    like Sodom and Gomorrah.(BN)
20 She will never be inhabited(BO)
    or lived in through all generations;
there no nomads(BP) will pitch their tents,
    there no shepherds will rest their flocks.
21 But desert creatures(BQ) will lie there,
    jackals(BR) will fill her houses;
there the owls(BS) will dwell,
    and there the wild goats(BT) will leap about.
22 Hyenas(BU) will inhabit her strongholds,(BV)
    jackals(BW) her luxurious palaces.
Her time is at hand,(BX)
    and her days will not be prolonged.(BY)

Footnotes

  1. Isaiah 13:6 Hebrew Shaddai
  2. Isaiah 13:19 Or Chaldeans