Add parallel Print Page Options

Jirradii Xisqiyaah

38 Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday. Markaasaa Nebi Ishacyaah ina Aamoos u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reerkaaga la dardaaran, waayo, waad dhimanaysaa oo sii noolaan maysid. Markaasaa Xisqiyaah wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay oo yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay. Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Ishacyaah oo ku yidhi, Tag, oo waxaad Xisqiyaah ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood. Oo adiga iyo magaaladanba waan ka samatabbixin doonaa gacanta boqorka Ashuur, oo magaaladanna waan daafici doonaa. Oo haddaba calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu Rabbigu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan: bal eeg, waxaan dib u soo celin doonaa hooska derejooyinka, intuu hore uga socday toban derejo oo ah derejooyinkii Aaxaas. Sidaasay qorraxdu dib ugu soo noqotay toban derejo oo ay hore u dhaaftay.

Kanu waa qorniinkii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo uu qoray markuu bukay, oo uu haddana cudurkiisii ka bogsaday.

10 Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa,
Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday.
11 Waxaan is-idhi, Ma aan arki doono Rabbiga, kaasoo ah Rabbiga dalka kuwa nool jooga,
Mar dambena ma arki doono qof ka mid ah dadka dunida deggan.
12 Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday.
Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo,
Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
13 Oo tan iyo aroortii ayaan fikirayay, isagu lafahayga oo dhan ayuu u jejebiyaa sida libaax oo kale,
Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
14 Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay.
Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.
15 Haddaba bal maxaan idhaahdaa? Isagu wuu ila hadlay, oo weliba isaga qudhiisaa waxan sameeyey.
Haddaba cimrigayga oo dhan tartiib baan u socon doonaa qadhaadhka naftayda aawadiis.
16 Sayidow, dadku waxyaalahanuu ku nool yahay,
Oo ruuxa noloshayduna wuxuu ku jiraa waxyaalahan oo dhan.
Haddaba i bogsii, oo i noolaysii.
17 Bal eeg, nabadgelyadayda aawadeed ayaan qadhaadh weyn u qabay,
Laakiinse naftayda waad jeclaatay, oo sidaas daraaddeed yamayskii qudhunka waad ka samatabbixisay,
Waayo, dembiyadaydii oo dhan waxaad ku tuurtay gadaashaada.
18 Waayo, She'ool kuguma mahadnaqi karo, oo dhimashaduna kuma ammaani karto,
Oo kuwa yamayska hoos ugu dhacana runtaada rajo kama qabi karaan.
19 Kan nool, kan nool oo keliya ayaa kugu mahadnaqi doona sidaan aniguba maanta yeelayo.
Aabbuhu wuxuu runtaada ogeysiin doonaa carruurtiisa.
20 Rabbigu waa u diyaar inuu i badbaadiyo,
Haddaba sidaas daraaddeed annagu cimriga noloshayada oo dhan
Waxaannu guriga Rabbiga ku dhex gabyi doonnaa gabayadayda annagoo alaab xadhko leh ku cayaarayna.

21 Nebi Ishacyaah wuxuu yidhi, Ha la qaado fud berde ah, oo kasoobaxa ha la saaro, oo isna wuu bogsan doonaa. 22 Oo weliba Xisqiyaahna wuxuu yidhi, Maxaa calaamad ii ah inaan guriga Rabbiga u kici doono?