Add parallel Print Page Options

Qaynuunno Kala Duwan

19 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, La hadal ururka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan ahay. Oo idinka midkiin kastaaba waa inuu ka cabsadaa aabbihiis iyo hooyadiis, oo waa inaad dhawrtaan maalmahayga sabtida ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Sanamyo ha u jeesanina, oo hana samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Oo markaad allabari qurbaanno nabaadiino ah Rabbiga u bixinaysaan waa inaad bixisaan si laydiin aqbalo. Oo waa in dhammaantiis la wada cunaa maalinta aad bixisaan iyo maalinta ku xigta, oo haddii wax ka hadhaan oo ay gaadhaan maalinta saddexaad waa in dab lagu gubaa. Oo innaba haddii maalinta saddexaad la cuno waa karaahiyo, oo la aqbali maayo, ku alla kii cunaase dembigiisuu qaadanayaa, maxaa yeelay, nijaas buu ka dhigay Rabbiga wixiisii quduuska ahaa, oo qofkaasna dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

Oo markaad goosataan waxa dhulkiinna ka soo baxa waa inaydaan midhaha ka wada goosan rukummada beertiinna, oo weliba waa inaydaan soo urursan xaaxaabka beergoosadkiinna. 10 Oo beertiinna canabka ahna waa inaydaan xaaxaabin, oo midhaha beertiinna canabka ah oo dhacayna waa inaydaan soo urursan, laakiinse waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 11 Waa inaydaan waxba xadin, oo aydaan daacadla'aan ku isticmaalin, waana inaan midkiinna midka kale been u sheegin. 12 Oo waa inaydaan magacayga been ugu dhaaran, yeydnan hadal nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 13 Waa inaadan deriskaaga dulmin, waana inaadan waxba ka dhicin. Oo shaqaale aad soo kiraysatay mushahaaradiisu yaanay habeenkii kugu baryin oo kugu gaadhin tan iyo subaxda dambe. 14 Waa inaadan caayin qofkii dhega la', oo kii indha la'na waa inaadan hortiisa dhigin wax lagu turunturoodo, laakiinse waa inaad Ilaahaaga ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 15 Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah. 16 Waa inaadan dadkaaga xan kula dhex wareegin, oo waa inaadan deriskaaga dhiiggiisa hor joogsan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 17 Waa inaadan walaalkaa qalbiga ka nebcaan, oo sida xaqiiqada ah waa inaad deriskaaga canaanataa, yaadan isaga daraaddiis dembi u qaadane. 18 Waa inaadan ninna ka aarsan, waana inaadan dadkaaga u ciil qabin, laakiinse waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay oo kale, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 19 Waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan. Waa inaadan xoolahaaga u dayn inay cayn kale ku beermaan, oo waa inaadan beertaada ku beeran midho laba cayn ah, oo waa inaadan xidhan dhar laga sameeyey laba cayn oo isku darsan. 20 Oo ku alla kii la seexda naag addoon ah oo nin u doonan, oo aan la madax furin ama aan la xorayn, markaas waa in iyaga la ciqaabaa, laakiinse waa inaan iyaga la dilin, maxaa yeelay, iyadu xor ma ay ahayn. 21 Oo isagu waa inuu qurbaankiisii xadgudubka, kaasoo ah wan ah qurbaan xadgudub, Rabbiga ugu keenaa iridda teendhada shirka. 22 Oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo waa inuu Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa dembiguu dembaabay aawadiis, oo isagana waa laga cafiyi doonaa dembigii uu dembaabay. 23 Oo markaad dalka gashaan, oo aad cunto u beerataan dhir cayn kasta ah, markaas waa inaad midhahooda ku tirisaan sidii wax buuryoqab ah, oo intii saddex sannadood ah waxay idiin ahaan doonaan sidii wax buuryoqab ah, oo waa inaan midhahaas la cunin. 24 Laakiinse sannadda afraad midhahooda oo dhammu quduus bay ahaan doonaan, si Rabbiga loo ammaano aawadeed. 25 Oo midhahoodana waxaad cuni doontaan sannadda shanaad, si ay midhahoodu idiinku soo baxaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 26 Waa inaydaan wax dhiiggoodu ku jiro cunin, oo waa inaydaan u tegin falanfallowyo ama aydaan faalna ku noqnoqon. 27 Waa inaydaan timaha madaxa ka jaran dhinacyada, gadhkiinnana waa inaydaan jarin. 28 Waa inaydaan jidhkiinna u gooyn qof dhintay daraaddiis, ama waa inaydaan waxba ku daabicin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 29 Waa inaadan gabadhaada nijaasayn oo aadan dhillo ka dhigin, waaba intaasoo uu dalku noqdaa sino miidhan oo uu shar ka buuxsamaa. 30 Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 31 Ha u jeesanina xagga kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta, oo iyaga ha doondoonina yeydnan nijaasoobine, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 32 Waa inaad qofkii cirro leh u istaagtaa, oo waa inaad ninkii oday ah cisaysaa, waana inaad Ilaahaa ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 33 Oo haddii mid shisheeye ahu idinla deggan yahay dhulkiinna, waa inaydaan xumayn. 34 Shisheeyaha idinla degganu waa inuu idiinla mid ahaadaa sida waddaniga idin dhex jooga, oo waa inaad isaga u jeclaataan sidaad naftiinna u jeceshihiin oo kale, maxaa yeelay, idinkuba shisheeyayaal baad ku ahaan jirteen dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 35 Waa inaydaan xaqdarro ka samayn garsooridda, iyo cabbiridda, iyo miisaamidda iyo beegiddaba. 36 Waa inaad haysataan kafado qumman iyo miisaan qumman, iyo eefaah qumman iyo hiin qumman, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idinka soo bixiyey. 37 Oo waa inaad wada dhawrtaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

Various Laws

19 The Lord said to Moses, “Speak to the entire assembly of Israel(A) and say to them: ‘Be holy because I, the Lord your God,(B) am holy.(C)

“‘Each of you must respect your mother and father,(D) and you must observe my Sabbaths.(E) I am the Lord your God.(F)

“‘Do not turn to idols or make metal gods for yourselves.(G) I am the Lord your God.(H)

“‘When you sacrifice a fellowship offering to the Lord, sacrifice it in such a way that it will be accepted on your behalf. It shall be eaten on the day you sacrifice it or on the next day; anything left over until the third day must be burned up.(I) If any of it is eaten on the third day, it is impure and will not be accepted.(J) Whoever eats it will be held responsible(K) because they have desecrated what is holy(L) to the Lord; they must be cut off from their people.(M)

“‘When you reap the harvest of your land, do not reap to the very edges(N) of your field or gather the gleanings of your harvest.(O) 10 Do not go over your vineyard a second time(P) or pick up the grapes that have fallen.(Q) Leave them for the poor and the foreigner.(R) I am the Lord your God.

11 “‘Do not steal.(S)

“‘Do not lie.(T)

“‘Do not deceive one another.(U)

12 “‘Do not swear falsely(V) by my name(W) and so profane(X) the name of your God. I am the Lord.

13 “‘Do not defraud or rob(Y) your neighbor.(Z)

“‘Do not hold back the wages of a hired worker(AA) overnight.(AB)

14 “‘Do not curse the deaf or put a stumbling block in front of the blind,(AC) but fear your God.(AD) I am the Lord.

15 “‘Do not pervert justice;(AE) do not show partiality(AF) to the poor or favoritism to the great,(AG) but judge your neighbor fairly.(AH)

16 “‘Do not go about spreading slander(AI) among your people.

“‘Do not do anything that endangers your neighbor’s life.(AJ) I am the Lord.

17 “‘Do not hate a fellow Israelite in your heart.(AK) Rebuke your neighbor frankly(AL) so you will not share in their guilt.

18 “‘Do not seek revenge(AM) or bear a grudge(AN) against anyone among your people,(AO) but love your neighbor(AP) as yourself.(AQ) I am the Lord.

19 “‘Keep my decrees.(AR)

“‘Do not mate different kinds of animals.

“‘Do not plant your field with two kinds of seed.(AS)

“‘Do not wear clothing woven of two kinds of material.(AT)

20 “‘If a man sleeps with a female slave who is promised to another man(AU) but who has not been ransomed or given her freedom, there must be due punishment.[a] Yet they are not to be put to death, because she had not been freed. 21 The man, however, must bring a ram to the entrance to the tent of meeting for a guilt offering to the Lord.(AV) 22 With the ram of the guilt offering the priest is to make atonement for him before the Lord for the sin he has committed, and his sin will be forgiven.(AW)

23 “‘When you enter the land and plant any kind of fruit tree, regard its fruit as forbidden.[b] For three years you are to consider it forbidden[c]; it must not be eaten. 24 In the fourth year all its fruit will be holy,(AX) an offering of praise to the Lord. 25 But in the fifth year you may eat its fruit. In this way your harvest will be increased. I am the Lord your God.

26 “‘Do not eat any meat with the blood still in it.(AY)

“‘Do not practice divination(AZ) or seek omens.(BA)

27 “‘Do not cut the hair at the sides of your head or clip off the edges of your beard.(BB)

28 “‘Do not cut(BC) your bodies for the dead or put tattoo marks on yourselves. I am the Lord.

29 “‘Do not degrade your daughter by making her a prostitute,(BD) or the land will turn to prostitution and be filled with wickedness.(BE)

30 “‘Observe my Sabbaths(BF) and have reverence for my sanctuary. I am the Lord.(BG)

31 “‘Do not turn to mediums(BH) or seek out spiritists,(BI) for you will be defiled by them. I am the Lord your God.

32 “‘Stand up in the presence of the aged, show respect(BJ) for the elderly(BK) and revere your God.(BL) I am the Lord.(BM)

33 “‘When a foreigner resides among you in your land, do not mistreat them. 34 The foreigner residing among you must be treated as your native-born.(BN) Love them as yourself,(BO) for you were foreigners(BP) in Egypt.(BQ) I am the Lord your God.

35 “‘Do not use dishonest standards when measuring length, weight or quantity.(BR) 36 Use honest scales(BS) and honest weights, an honest ephah[d](BT) and an honest hin.[e](BU) I am the Lord your God, who brought you out of Egypt.(BV)

37 “‘Keep all my decrees(BW) and all my laws(BX) and follow them. I am the Lord.’”

Footnotes

  1. Leviticus 19:20 Or be an inquiry
  2. Leviticus 19:23 Hebrew uncircumcised
  3. Leviticus 19:23 Hebrew uncircumcised
  4. Leviticus 19:36 An ephah was a dry measure having the capacity of about 3/5 of a bushel or about 22 liters.
  5. Leviticus 19:36 A hin was a liquid measure having the capacity of about 1 gallon or about 3.8 liters.