Add parallel Print Page Options

Ciise Waa Ka Soo Sara Kacay Kuwii Dhintay(A)

24 Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen. Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey. Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise. Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen. Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay? Isagu halkan ma joogo, laakiinse waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay, isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacangeliyo dembilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco. Markaasay hadalladiisii xusuusteen. Wayna ka soo noqdeen xabaashii, oo waxaas oo dhan ayay u sheegeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii kale oo dhan. 10 Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay. 11 Hadalladaas waxay la noqdeen wax aan micne lahayn, wayna rumaysan waayeen. 12 Laakiin Butros ayaa kacay oo xabaashii u orday, markaasuu foororsaday oo wuxuu arkay maryihii keligood oo meel yaal; markaasuu ka tegey oo gurigiis ku noqday isagoo ka yaabban wixii dhacay.

Ciise Wuxuu U Muuqday Xertii Emma'us Ku Socotay(B)

13 Laba ka mid ah iyaga waxay maalintaas qudheeda ku socdeen tuulo la odhan jiray Emma'us, tan Yeruusaalem u jirtay lixdan [a]istaadiyon. 14 Waxay ka wada hadlayeen wixii dhacay oo dhan, 15 oo waxay noqotay intay wada hadlayeen oo wax isweyweyddiinayeen, in Ciise qudhiisa u soo dhowaaday oo la socday. 16 Laakiin waa la indhasaabay si aanay u garanayn. 17 Markaasuu ku yidhi, Maxay yihiin hadalladan aad isku haysaan intaad socotaan? Wayna istaageen iyagoo fool qulubsan. 18 Midkood oo Kale'obas la odhan jiray, ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma adigoo keliya oo Yeruusaalem deggan oo aan ogayn wixii ayaamahan meeshaas ka dhacay? 19 Wuxuu ku yidhi, Wax maxay ah? Waxay ku yidhaahdeen, Wixii ku saabsanaa Ciisihii Reer Naasared, kii ahaa nin nebi ah oo xoog u lahaa wax falniin iyo hadal ah Ilaah iyo dadka oo dhan hortooda, 20 iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen. 21 Laakiin waxaannu rajaynaynay inuu yahay kan Israa'iil soo furan lahaa, laakiin waxaas oo dhan weliba maanta waa u maalintii saddexaad markii ay waxaas oo dhammi dhaceen. 22 Weliba dumar annaga naga mid ah ayaa naga yaabsiiyey, kuwii aroortii hore xabaashii tegey. 23 Goortii ay meydkiisii waayeen ayay yimaadeen iyagoo leh, Waxaannu weliba aragnay muuqad malaa'igo kuwa yidhi, Wuu nool yahay. 24 Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin. 25 Markaasuu ku yidhi, Nacasyo yahow oo qalbigoodu ka raagay inuu rumaysto wixii nebiyada oo dhammi ay ka hadleen. 26 Masiixa miyaanay waajib ku ahayn inuu waxaas oo dhan ku silco oo uu ammaantiisa galo? 27 Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa. 28 Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya, 29 laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo. 30 Waxaa dhacay kolkuu cunto ula fadhiistay inuu kibista qaaday, oo barakeeyey, oo intuu kala jejebiyey ayuu siiyey. 31 Markaasaa indhahoodu furmeen, oo isagay garteen, wuuna ka libdhay. 32 Markaasay isku yidhaahdeen, Miyaan qalbigeennu gubanin intuu jidka inagula hadlayay iyo intuu Qorniinkii inoo furayay? 33 Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay, 34 iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon. 35 Iyaguna waxay ka warrameen wixii jidka ka dhacay iyo siday isaga ugu garteen kala jejebintii kibista.

Ciise Wuxuu U Muuqday Rasuulladii(C)

36 Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 37 Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen. 38 Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan? 39 Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay. 40 Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa. 41 Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan? 42 Kolkaasay waxay siiyeen in kalluun duban ah. 43 Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay.

44 Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa. 45 Markaasuu garashadooda u furay si ay u gartaan Qorniinka. 46 Wuxuuna ku yidhi, Sidaasay u qoran tahay, Waa inuu Masiixu silco, oo uu maalinta saddexaad kuwa dhintay ka soo sara kaco, 47 iyo in toobaddii iyo dembidhaafka magiciisa lagu wacdiyo quruumaha oo dhan oo laga bilaabo Yeruusaalem. 48 Idinkuna waxyaalahaas ayaad markhaati ka tihiin. 49 Oo bal eega, waxaan idiin soo dirayaa ballankii Aabbahay, laakiin magaalada jooga ilaa xoog laydinka huwiyo xagga sare.

Ciise Kor Buu U Baxay(D)

50 Markaasuu iyaga kaxeeyey ilaa meel ku dhow Beytaniya, oo intuu gacmihii kor u qaaday ayuu barakeeyey. 51 Waxaa dhacay intuu barakaynayay inuu ka tegey, oo waxaa kor loogu qaaday samada. 52 Markaasay isaga caabudeen, oo waxay Yeruusaalem kula noqdeen farxad weyn; 53 oo goor walbaba macbudka ayay ku jireen iyagoo Ilaah ammaanaya.

Footnotes

  1. Luukos 24:13