Add parallel Print Page Options

28 Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn,
Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.
Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin,
Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.
Miskiin masaakiinta dulmaa
Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.
Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh,
Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.
Nimanka sharka lahu garsooridda ma gartaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax walbay gartaan.
Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay,
Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.
Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh,
Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.
Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa,
Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.
Kii dhegtiisa ka leexiya inuu sharciga maqlo,
Xataa baryootankiisu waa karaahiyo.
10 Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa,
Isagaa ku dhici doona godkiisa,
Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.
11 Taajirku waa isla caqli weyn yahay,
Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.
12 Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn,
Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.
13 Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono,
Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.
14 Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay,
Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.
15 Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay
Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.
16 Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn,
Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.
17 Ninkii nin dhiiggiis qabaa
Wuxuu u carari doonaa godka, oo ninna yaanu ka joojin.
18 Ku alla kii si qumman u socda waa la samatabbixin doonaa,
Laakiinse kii si qalloocan laba jid ugu socdaa haddiiba wuu dhici doonaa.
19 Kii dhulkiisa beertaa, cunto badan buu ka dhergi doonaa,
Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa wuxuu ka dhergi doonaa caydhnimo.
20 Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa,
Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.
21 Ma wanaagsana in dadka loo kala eexdo,
Iyo inuu nin xabbad kibis ah u xadgudbo toona.
22 Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay,
Mana oga inuu caydhoobi doono.
23 Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa
Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.
24 Kii aabbihiis ama hooyadiis wax ka dhaca oo haddana yidhaahda,
Taasu xadgudub ma aha,
Wuxuu saaxiib la yahay kii wax dumiya.
25 Kii hunguri weynu muran buu kiciyaa,
Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waa la barwaaqaysiin doonaa.
26 Kii qalbigiisa isku halleeyaa waa nacas,
Laakiinse ku alla kii si caqli ah u socda waa la samatabbixin doonaa.
27 Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono,
Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.
28 Markii kuwa sharka lahu kacaan dadku waa dhuuntaa,
Laakiinse markay halligmaan, kuwa xaqa ahu way sii kordhaan.