Matayos 24:32-35
Somali Bible
Soo Jeedid Baa Loo Baahan Yahay(A)
32 Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay. 33 Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo. 34 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin. 35 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
Read full chapter
Markos 13:28-31
Somali Bible
Soojeedid Baa Loo Baahan Yahay(A)
28 Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay. 29 Idinkuna sidaas oo kale goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta inuu Wiilka Aadanahu dhow yahay oo albaabbada ag joogo. 30 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin. 31 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.
Read full chapter© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya