Matayos 4:1-11
Somali Bible
Shayddaan Baa Isku Dayay Inuu Ciise Duufsado(A)
4 Goortaasaa Ruuxu Ciise cidlada u kaxeeyey in Ibliisku jirrabo. 2 Oo goortuu afartan maalmood iyo afartan habeen soomanaa, ayuu dabadeed gaajooday. 3 Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda. 4 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado. 5 Markaasaa Ibliisku magaaladii quduuska ahayd geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka 6 oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, hoos isu tuur, waayo, waa qoran tahay,
Malaa'igihiisa ayuu amri doonaa,
Oo gacmahooda ayay sare kuugu qaban doonaan,
Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
7 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddana waa qoran tahay, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.
8 Haddana Ibliiskii ayaa buur aad u dheer geeyey, wuxuuna tusay boqortooyooyinka dunida oo dhan iyo ammaantooda. 9 Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan oo dhan waan ku siinayaa haddaad sujuuddid oo i caabuddid. 10 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Shayddaan yahow, bax, waayo, waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isaga keliya u adeegto. 11 Markaasaa Ibliiskii ka tegey, oo waxaa u yimid malaa'igo, wayna u adeegeen.
Read full chapter
Luukos 4:1-13
Somali Bible
Shayddaan Baa Isku Dayay Inuu Ciise Duufsado(A)
4 Ciise waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo Webi Urdun ayuu ka noqday, oo Ruuxii baa cidlada u kaxeeyey. 2 Afartan maalmood ayaa Ibliisku jirrabayay. Maalmahaasna waxba ma cunin. Goortay maalmihii dhammaadeen ayuu gaajooday. 3 Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah ku dheh dhagaxan, Kibis noqo. 4 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan. 5 Oo markuu kor u kaxeeyey wuxuu wakhti yar ku tusay quruumaha dunida oo dhan. 6 Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Amarkan oo dhan waan ku siinayaa iyo ammaantoodaba, waayo, waa lay siiyey; oo kii aan doonayo ayaan siiyaa. 7 Haddaba haddaad hortayda i caabuddid, kulli adaa lahaan doona. 8 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isagoo keliya u adeegto. 9 Markaasuu Yeruusaalem geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, halkan hoos iskaga tuur; 10 waayo, waa qoran tahay,
Malaa'igihiisa ayuu ku amri doonaa inay ku ilaaliyaan, 11 iyo,
Inay gacmahooda sare kuugu qabtaan inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
12 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa la yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.
13 Ibliiskiina markuu jirrabaad walba dhammeeyey ayuu ka tegey intii wakhti ah.
Read full chapter© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya