Add parallel Print Page Options

Jeclaada Oo Addeeca Rabbiga

11 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad jeclaataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaad had iyo goor dhawrtaan waxa loo dhawri lahaa, iyo qaynuunnadiisa, iyo xukummadiisa iyo amarradiisaba. Oo bal idinku maanta ogaada, waayo, la hadli maayo carruurtiinnii aan aqoon oo aan arkin Rabbiga Ilaahiinna ah edbintiisa, iyo weynaantiisa, iyo gacantiisa xoogga badan, iyo cududdiisa fidsan, iyo calaamooyinkiisa, iyo shuqulladiisii uu ku dhex sameeyey Masar oo uu ku sameeyey boqorkii Masar oo Fircoon ahaa iyo dalkiisii oo dhan, iyo wixii uu ku sameeyey ciidankii Masar, iyo fardahoodii, iyo gaadhifardoodkoodii, iyo siduu iyaga ugu qarqiyey biyihii Badda Cas markay idin eryadeen, iyo siduu Rabbigu iyagii u baabbi'iyey ilamaa maantadan la joogo, iyo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad meeshan timaadeen, iyo wixii uu reer binu Israa'iil oo dhan dhexdooda kaga sameeyey Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab oo ahaa reer Ruubeen, iyo sidii ciiddu afkeeda u kala qaadday oo ay u liqday iyagii, iyo reerahoodii, iyo teendhooyinkoodii, iyo wax alla wixii noolaa oo iyaga raacay, laakiinse idinka indhihiinnu way arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu sameeyey oo dhan. Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan si aad u xoogaysataan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan, iyo in cimrigiinnu ku dheeraado dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin inuu siinayo iyaga iyo farcankooda, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan. 10 Maxaa yeelay, dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan ma aha sidii dalkii Masar oo aad ka soo baxdeen ee aad abuurkiinna ku abuurteen oo aad cagihiinna ku waraabiseen sidii beer khudaareed, 11 laakiinse dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan waa dal leh buuro iyo dooxooyin, oo wuxuu biyaha ka cabbaa roobka samada, 12 oo waa dal Rabbiga Ilaahiinna ahu uu xannaaneeyo, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah indhihiisa ayaa fiiriya tan iyo sannadda bilowgeeda iyo xataa sannadda dabaadigeeda.

13 Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan, 14 de markaas dalkiinna roobka waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna. 15 Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan. 16 Haddaba digtoonaada, waaba intaasoo uu qalbigiinnu idin khiyaaneeyaa, oo aad gees u leexataan oo ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan, 17 oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo. 18 Haddaba erayadaydan waa inaad gelisaan qalbigiinna iyo naftiinna, oo waa inaad calaamad ahaan gacanta ugu xidhataan, waxayna idiin ahaan doonaan wax indhihiinna dhexdooda ka laalaada. 19 Oo waa inaad iyaga carruurtiinna bartaan, idinkoo ku sheekaysta markaad gurigiinna dhex fadhidaan, iyo markaad jidka martaan, iyo markaad jiiftaan, iyo markaad sara joogtaanba. 20 Oo waa inaad iyaga ku qortaan tiirarka albaabka gurigiinna iyo irdihiinnaba, 21 in cimrigiinna iyo cimriga carruurtiinnuba uu dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin ugu dheeraado sida cimriga samooyinka dhulka ka sarreeya. 22 Maxaa yeelay, haddaad aad u xajisaan kulli amarkan aan idinku amrayo oo dhan inaad yeeshaan, kaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga ku hadhaan, 23 markaasuu Rabbigu hortiinna ka wada eryi doonaa quruumahaas oo dhan, oo waxaad hantiyi doontaan quruumo idinka badan oo idinka xoog weyn. 24 Oo meel kasta oo aad cagta dhigtaanba idinkaa iska yeelan doona, tan iyo cidlada iyo ilaa Lubnaan iyo ilaa webiga, kaasoo ah Webi Yufraad, iyo xataa ilaa badda galbeed. 25 Oo ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.

26 Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigayaa barako iyo habaar, 27 barakada waxaad helaysaan haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo, 28 habaarkuna wuxuu idinku dhacayaa haddaydnan dhegaysan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiin aad gees uga leexataan jidka aan maanta idinku amrayo, oo aad ilaahyo kale oo aydnan aqoon raacdaan.

29 Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan, barakada waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Gerisiim, habaarkana waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Ceebaal. 30 War sow iyagu kama shisheeyaan Webi Urdun xagga jidka dambe oo qorrax-u-dhaca, oo ah dalka reer Kancaanka Caraabaah deggan, oo ka soo hor jeedda Gilgaal, oo ku dhinac yaal geedaha Moreh? 31 Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan. 32 Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.

Love and Obey the Lord

11 Love(A) the Lord your God and keep his requirements, his decrees, his laws and his commands always.(B) Remember today that your children(C) were not the ones who saw and experienced the discipline of the Lord your God:(D) his majesty,(E) his mighty hand, his outstretched arm;(F) the signs he performed and the things he did in the heart of Egypt, both to Pharaoh king of Egypt and to his whole country;(G) what he did to the Egyptian army, to its horses and chariots,(H) how he overwhelmed them with the waters of the Red Sea[a](I) as they were pursuing you, and how the Lord brought lasting ruin on them. It was not your children who saw what he did for you in the wilderness until you arrived at this place, and what he did(J) to Dathan and Abiram, sons of Eliab the Reubenite, when the earth opened(K) its mouth right in the middle of all Israel and swallowed them up with their households, their tents and every living thing that belonged to them. But it was your own eyes that saw all these great things the Lord has done.(L)

Observe therefore all the commands(M) I am giving you today, so that you may have the strength to go in and take over the land that you are crossing the Jordan to possess,(N) and so that you may live long(O) in the land the Lord swore(P) to your ancestors to give to them and their descendants, a land flowing with milk and honey.(Q) 10 The land you are entering to take over is not like the land of Egypt,(R) from which you have come, where you planted your seed and irrigated it by foot as in a vegetable garden. 11 But the land you are crossing the Jordan to take possession of is a land of mountains and valleys(S) that drinks rain from heaven.(T) 12 It is a land the Lord your God cares for; the eyes(U) of the Lord your God are continually on it from the beginning of the year to its end.

13 So if you faithfully obey(V) the commands I am giving you today—to love(W) the Lord your God and to serve him with all your heart and with all your soul(X) 14 then I will send rain(Y) on your land in its season, both autumn and spring rains,(Z) so that you may gather in your grain, new wine and olive oil. 15 I will provide grass(AA) in the fields for your cattle, and you will eat and be satisfied.(AB)

16 Be careful, or you will be enticed to turn away and worship other gods and bow down to them.(AC) 17 Then the Lord’s anger(AD) will burn against you, and he will shut up(AE) the heavens so that it will not rain and the ground will yield no produce,(AF) and you will soon perish(AG) from the good land the Lord is giving you. 18 Fix these words of mine in your hearts and minds; tie them as symbols on your hands and bind them on your foreheads.(AH) 19 Teach them to your children,(AI) talking about them when you sit at home and when you walk along the road, when you lie down and when you get up.(AJ) 20 Write them on the doorframes of your houses and on your gates,(AK) 21 so that your days and the days of your children may be many(AL) in the land the Lord swore to give your ancestors, as many as the days that the heavens are above the earth.(AM)

22 If you carefully observe(AN) all these commands I am giving you to follow—to love(AO) the Lord your God, to walk in obedience to him and to hold fast(AP) to him— 23 then the Lord will drive out(AQ) all these nations(AR) before you, and you will dispossess nations larger and stronger than you.(AS) 24 Every place where you set your foot will be yours:(AT) Your territory will extend from the desert to Lebanon, and from the Euphrates River(AU) to the Mediterranean Sea. 25 No one will be able to stand against you. The Lord your God, as he promised you, will put the terror(AV) and fear of you on the whole land, wherever you go.(AW)

26 See, I am setting before you today a blessing(AX) and a curse(AY) 27 the blessing(AZ) if you obey the commands of the Lord your God that I am giving you today; 28 the curse if you disobey(BA) the commands of the Lord your God and turn from the way that I command you today by following other gods,(BB) which you have not known. 29 When the Lord your God has brought you into the land you are entering to possess, you are to proclaim on Mount Gerizim(BC) the blessings, and on Mount Ebal(BD) the curses.(BE) 30 As you know, these mountains are across the Jordan, westward, toward the setting sun, near the great trees of Moreh,(BF) in the territory of those Canaanites living in the Arabah in the vicinity of Gilgal.(BG) 31 You are about to cross the Jordan to enter and take possession(BH) of the land the Lord your God is giving(BI) you. When you have taken it over and are living there, 32 be sure that you obey all the decrees and laws I am setting before you today.

Footnotes

  1. Deuteronomy 11:4 Or the Sea of Reeds