Add parallel Print Page Options

16 Oo iyana sanduuqii Ilaah gudahay soo geliyeen, oo dhex dhigeen teendhadii Daa'uud u dhisay, oo waxay Ilaah hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. Oo Daa'uudna markuu dhammeeyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaannadii nabaadiinada ee uu bixinayay ayuu dadkii ugu duceeyey magicii Rabbiga. Oo markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan, nin iyo naagba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah.

Oo kuwii reer Laawi qaarkoodna wuxuu u doortay inay ka adeegaan sanduuqa Rabbiga hortiisa, iyo inay xusuustaan oo ku mahadnaqaan oo ammaanaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco. Oo Benaayaah iyo Yaxasii'eel oo wadaaddo ahaana turumbooyin ayay had iyo goorba ku haysan jireen sanduuqii axdiga Ilaah hortiisa.

Sabuur Mahadnaqid Ah Ee Daa'uud

Oo maalintaas ayaa Daa'uud markii ugu horraysay ku amray inay Aasaaf iyo walaalihiis Rabbiga ku mahadnaqaan.

Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya,
Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya,
Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
10 Ku faana magiciisa quduuska ah,
Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
11 Rabbiga iyo xooggiisa doondoona,
Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
12 Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey,
Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
13 Kuwiinna farcanka addoonkiisii Israa'iilow,
Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
14 Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah,
Xukummadiisiina waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
15 Bal idinku weligiin xusuusta axdigiisa,
Kaasoo ah hadalkiisii uu dadkii kun qarni ku amray;
16 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay,
Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
17 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub,
Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
18 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa
Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
19 Markaad dad tiro yar ahaydeen,
Oo aad aad u yaraydeen, qariibna dalka ku ahaydeen.
20 Oo iyaguna quruunba quruun bay uga baxeen.
Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
21 Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo,
Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
22 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan,
Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
23 Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya,
Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
24 Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega,
Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
25 Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano,
Isaga waa in laga cabsado in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
26 Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo,
Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
27 Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin,
Xoog iyo farxaduna meeshiisay ku jiraan.
28 Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana,
Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
29 Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay,
Qurbaan u keena, oo hortiisa kaalaya,
Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,
30 Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
31 Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo,
Oo quruumaha dhexdooda ha laga yidhaahdo, Rabbigu waa boqor.
32 Badda iyo waxa ka buuxaba ha guuxeen,
Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,
33 Oo markaasay dhirta duurka Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed,
Waayo, isagu waa u imanayaa inuu dhulka xukumo.
34 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna way sii waartaa weligeedba.
35 Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi,
Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi,
Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno,
Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
36 Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
Tan iyo weligiis iyo weligiisba.

Markaasaa dadkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, oo Rabbigay ammaaneen.

37 Kolkaasuu halkaas sanduuqii axdiga Rabbiga hortiisa kaga tegey Aasaaf iyo walaalihiis inay had iyo goor ka adeegaan sanduuqa hortiisa sidii maalin walba shuqulkeeda loo doonayay, 38 isaga iyo Cobeed Edoom oo ay la jiraan siddeed iyo lixdan nin oo walaalahood ah, oo weliba Cobeed Edoom oo ahaa ina Yeduutuun iyo Xosaahna wuxuu uga tegey inay ahaadaan iridjoogayaal. 39 Oo wadaadkii Saadooq iyo wadaaddadii walaalihiis ahaana wuxuu kaga hor tegey taambuuggii Rabbiga oo ku yiil meeshii sare oo Gibecoon, 40 in had iyo goor subax iyo habeenba meeshii qurbaanka la gubo ay Rabbiga ugu dul bixiyaan qurbaanno la gubo kuwaasoo ahaa sidii dhammaan waxa ku qoran sharciga Rabbiga, oo uu reer binu Israa'iil ku amray. 41 Oo wuxuu kaloo la reebay Heemaan iyo Yeduutuun iyo kuwii kaloo la doortay oo loo magacaabay inay Rabbiga ku mahadnaqaan, maxaa yeelay, naxariistiisu weligeedba way waartaa. 42 Oo waxaa iyaga la jiray Heemaan iyo Yeduutuun oo haystay turumbooyin iyo suxuun laysku garaaco oo ay leeyihiin kuwa aad wax uga dhawaajiya, iyo alaabtii lagu qaadi jiray gabayadii Ilaah, oo ilma Yeduutuunna wuxuu kaga tegey inay iridda joogaan. 43 Markaasaa dadkii oo dhan qof waluba gurigiisii tegey, oo Daa'uudna wuxuu u noqday inuu reerkiisii u duceeyo aawadeed.